Wasiirka arrimaha dibadda Ruushka Sergey Lavrov, ayaa sheegay in dalkiisu uu ku dadaali doono sidii Itoobiya loogu dhisi lahaa xarunta Nukliyeerka Tiknoloojiyadda oo laga dhalinayo tamarta.
Arrintan ayaa timid ka dib markii shir jaraa’id ay ku qabteen magaalada Adis-ababa ee caasimadda Itoobiya isaga iyo dhiggiisa Workneh Gebeyehu Worknehu, waxa ayna ka wada hadleen arrimo badan oo ay ka mid yihiin kuwa gobolka khuseeya.
Sergey Lavrov ayaa sheegay in ujeedka booqashadiisa itoobiya ay tahay sidii loo xoojin lahaa xiriirka ganacsi iyo midka maalgashi ee ka dhaxeeya labada dal.




From the comments