Ilaa 11 Xildhibaan oo ka tirsan Golaha Shacabka ayaa codsaday dib-u-dhigista arrinta DP World iyo in xukuumadda looga dambeeyo.
Xildhibaan Cabdiraxmaan Ibbi oo ka hor hadlay Golaha Shacabka ayaa sheegay in warbaahinta caalamka, tan gudaha iyo baraha bulshada intaba qabsadeen heshiiska DP World ee la xiriira heshiiska ay la galayaan dekadaha Soomaalida.
Xildhibaannadan mooshinka saxiixay waxaa ay codsadeen in dib-u- dhig lagu sameeyo, lagana saaro ajendaha Golaha Shacabka si loo helo war sugan oo ku saabsan arrintan oo laga wareysanayo xukuumadda iyo ra’isulwasaaraha kadib marka ay keenaan kana doodaan natiijada wixii ka soo baxa.




From the comments