Kulanka 1aad ee kalfadhiga 3aad ee Aqalka sare oo hadda ka socda xaruntooda ayaa looga hadlayaa weerarkii lagu qaaday guriga Senator Cabdi Xasan Cawaalle Qeybdiid December 30, 2017.
Qodobbada goobta laga sheegay waxaa ka mid ah in 60 maalmood ka badan ay ka soo wareegtey markii weerarkaasi dhacay, ilaa haddana tallaabo sharci ah laga qaadin ciddii ka dambeysay.
Qeybdiid, waxaa uu Baarlamaanka ka codsaday in Sharciga la horgeeyo cidii weerarkiisa ka dambeysay, isaga oo soo jeediyay in Natiijada Baaritaanka la xiriira weerarka guriga lala wadaago baarlamaanka iyo shacabka.




From the comments