Xildhibaannada aqalka sare ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maalintii 2aad ka doodaya xeerka Dhowrista Gobonimada iyo midnimada Umadda Soomaaliyeed.
Aqalkan oo matala maamul goboleedyada ayaa looga fadhiyaa in ay falanqeyn kadib ama uu go’aanka ku raaco golaha shacabka ama iska diidaan.
Dooddii shalay, arrinta xeerka DP World oo aad u kulul ayaa soo gaaray illaa salaaddii duhur, iyadoo salaadda kadibna hadane la bilaabay doodda, markii waqtiga dheeraadana la isku afgartay in maanta la sii wado.
Mudanayaasha qaar ayaa soo jeediyey in iyadoo la eegayo qarannimada Soomaaliya hadane dib loo eego qaraarkaasi oo aan lagu degdegin, halka qaarna ay soo jeediyeen in aan wax kale la sugin oo golaha shacabka lagu taageero xeerkan.




From the comments