Aqalka sare ee baarlamaanka federaalka ah , ayaa dood labo maalin qaadatay kadib waxaa uu meel-mariyay Xeerka Dhowrista Gobonnimada iyo midnimada Umadda Soomaaliyeed.
Kulankan oo ahaa midkii 3aad ee kalfadhiga 3aad, waxaa joogay 36 Xildhibaan, waxaana shir guddoominayey guddoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi, waxaa kale oo joogay guddoomiye ku xigeenka 1aad Abshir Maxamed Axmed iyo guddoomiye ku xigeenka 2aad Mowliid Xuseen Guhaad.
Aqalka waxaa ka dhacday labo cod-bixin midda 1aad waxaa ay aheyd xeerka ma sidiisa ayaa loo gudbiyaa mise wax ka badal ayaa lagu sameeyaa? Halka cod-bixinta 2aad aheyd ansixinta xeerka?




From the comments