Cabdulqaadir Cabdi Xaashi oo horay u soo noqday Wasiir iyo Xildhibaan oo la hadlay Goobjoog News ayaa ku tilmaamay mooshinka hadda la wado mid aan wanaagsaneyn niyad jabna ay ku abuuri karto shacabka Soomaaliyeed.
Wasiirkii hore ee waxbarashada ayaa sheegay in waxyaabaha keena mooshinka ay tahay xukuumadda oo si wanaagsan u gudan weyso shaqadii loo igmaday waxa uuna yiri.
“Waxaan u arkaa mooshinka la wado sida uu arko qof walba oo wax garanayo, taas oo ah in aysan aheyn wax wanaagsan, dowladda hadda halka sano jirta haddii ay isku maleegaan mowshinno xil ka qaadis ah taasi oo cidba cidda kale ay tuhmeyso taas oo astaan u ah in ay jirto xukuumad wax qabad ahaan u ilicsan”.




From the comments