Xildhibaan Maxamed Xuseen Afaraale oo wareysi gaar ah siiyay Goobjoog News ayaa sheegay in uu qabo in arrinta Mooshinka loo qaado cod bixin.
Xildhibaan-ka, waxaa uu tilmaamay in haddii cod loo qaado Mooshinka uu khilaafka soo afjarmi lahaa xalkana sidaasa lagu gaari lahaa.
Xildhibaan Maxamed Xuseen Afaraale oo arrimahaas goobjoog News kala hadlayey waxa uu yiri“Baarlamaanka is qilaaf iyo kala aragti duwanaashe ayey markii horoba shaqadiisu aheyd, balse waxa lagu kala baxayo waa cod, xildhibaannada Mooshinka keenay xaqbey u leeyihiin markii la fiiriyo, si khilaafkeennu u yaraado waxaan ogolnahay in la qaado cod”.




From the comments