Khaliif Idiris Cusmaan oo ka mid ah aqoonyahannada Soomaaliyeed oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in khilaafka mooshinka ee u dhaxeeya golaha shacabka lagu soo afjari karo oo kaliya in la raaco xeerarka uu qorayo Dastuurka KMG ah.
Khaliif Idiris Cusmaan ayaa sheegay in hadda uu dalka marayo xaalad siyaasadeed oo aan daganeyn loogana baahanyahay golaha shacabka in uu raaco dastuutka si loo soo afjaro khilaafka u dhaxeeya Baarlamaanka.
“Baarlamaanka waxaa uu u muuqdaa niman waxay qorteen ku heshiin waayey, guddoomiye Jawaari mar haddii uu yiri cod ayaan ku imid codna hala ii qaato, waxaan u maleynayaa in uu soo dhaamo khilaafka, guddoomiyaha marnaba wax dambi ah maayeelanayo waxaa dambi yeelanayo dadka diidan in mooshinka cod loo qaado”.




From the comments