Golaha aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa kulankii maanta waxa ay go’aansadeen in u yeeraan qaar ka tirsan wasiirrada xukuumadda Kheyre si wax looga weydiiyo arrinta xadka iyo Balad Xaawo
Kulanka waxaa shir guddoominayey guddoomiyaha Cabdi Xaashi, waxaa kale oo joogay guddoomiye ku-xigeenka 1aad Abshir Maxamed Axmed iyo guddoomiye ku-xigeenka 2aad Mowlid Guhaad, ajendaha ayaa ahaa xaaladda xadka Kenya iyo Soomaaliya ee agagaarka Xaaladda Balad Xaawo, anisixinta guddigii loo xil-saaray weerarkii Senator Cabdi Qeydiid iyo warbixin laga dhageysanayey wasaaradda macdanta iyo biyaha.
Arrinta xadka, Cabdullahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo ka tirsanaa xubno guddi horay u tagay xadka ayaa sheegay in reer Beled Xaawo ay dhiban yihiin isaga oo ku dheeraaday xad-gudubyada ka jira xadka, waxaana uu wax lala yaabo ku til-maamay mowqifka xukuumadda ra’isul wasaare Kheyre ee arrinkan ku aadan, waxaa kale doodda ka hadlay xildhibaanno kale oo ka tirsan golaha kuwaas oo codsaday in arrinta Balad-xaawo laga dhigo mid ahmiyad la siiyo.




From the comments