Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee golaha shacabka baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Cabdiweli Ibraahim Muudeey ayaa sheegay inuu shaqadii si KMG ah uga joojiyay Xogheyaha guud ee golaha Cabdikariin Buux.
Qoraal uu soo saaray Muudeey oo Buux ku socday waxaa ku qornaa “Kadib markii la ogaaday in si toos ah ula soo gashay arrimaha siyaasadeed ee jira, kaas oo khilaafsan sharciga shaqaalaha dowladda, lana hayo caddeymo ku lug lahaanshiyaha khilaafaadka taagan, adigoo si qaldan u adeegsaday awoodaha maamul ee ku cad qodobka 1aad ee xeer hoosaadka golaha shacabka, taas oo dhowr jeer lagaaga digay.
Intaasi kadib, waxaa uu Cabdiweli Muudeey shaqada ka joojiyay Cabdikarin Buux isaga oo howsha u dhiibay ku-xigeenkiisa Maxamed Cabduulahi Cabdi(Ciyow).




From the comments