Guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo goor dhow saxaafadda la hadlay ayaa si kulul waxa uu kaga hadlay arrimo badan oo ku saabsan khilaafka golaha shacabka, kulanka berri uu ballamiyey guddoomiye ku xigeenka golahan iyo arrimo kale.
Ugu horreyn guddoomiyaha ayaa sheegay in madaxweyne Farmaajo uu dhowr jeer usoo jeediyey inuu is casilo bedalkii uu wax xalin lahaa.
“Madaxweynaha wuxuu hoggaamiyaa laanta fulinta, hase yeeshee xil gaar ah ayaa ka saaran maadaama uu yahay ilaaliyaha Dastuurka, waajibaadkiisa dastuuriga inuu guto ayaan ugu yeeraynay, in muddo ah markii aan sugeynay ayaa maalintii Sabtidii dhoweyd markii aan wadahadal yeelanay iyadoo ay ila joogaan Labadeyda ku xigeen ee golaha shacabka ayaa waxaan ku heshiinnay in shirkaasi la joojiyo si fowdo, kala tag iyo buuq looga daayo, waxaan ku heshiinnay muddo 10 maalin ah inaan kusoo afjarno arrintaasi oo Labada garab la isku keeno, la dhex dhexaadiyo, sharciga la raaco, dastuurka iyo xeer hoosaadka la raaco, hase yeeshee meeshii la sugayey in Labada dhinac la isugu yeero weli ma aanay dhicin, arrintiisa waxay dhaafi weysay inuu iga codsado inaan is casilo”




From the comments