Xildhibaanno ka tirsan golaha shacabka ayaa Goobjoog News u sheegay in Xildhibaannada taageersan xukuumadda Kheyre ay golaha shacabka ka dhex-wadaan fowdo iyo buuq, isla markaana ay qaarkood la yimdeen hub.
Xarunta golaha shacabka ayaa waxaa ka socdo fowdo la xiriirka kulanka maanta, labo ajende oo iska soo horjeedda ayaa goobta ka socota.
Guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa xildhibaannada ku ballamiyay ajende la xiriira arrinta Balad Xaawo, dhinaca kale Cabdiweli Muudeey oo ah ku-xigeenkiisa ayaa isna ballamiyay mooshin ka dhan ah Jawaari.




From the comments