Maanta oo Khamiis ah ayaa lagu wadaa in kulan ay isugu yimaadaan xilhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.
Sida ay shaaciyeen guddoonka golaha shacabka, waxaa kulankan ka qeybgalaya guddoomiyahii is casilay,Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.
Jawaari ayaa xildhibaannada u jeedin doona khudbad uu kaga hadlayo arrimo badan, isaga oo sidoo kale halkaasi ka sheegi doono in xildhibaannadii doortay uu dib ugu celiyey ammaanadii ay u dhiibteen.




From the comments