Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee golaha shacabka, baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ahna ku simaha guddoomiyaha, C/weli Sheekh Ibraahim Muudey ayaa sheegay in la xaday Dastuurkii dalka u yaallay ee ay soo meelmariyeen ergada Soomaaliyeed.
Waxa uu tilmaamay Muudey iney ogyihiin cid walbo oo arrintaan ka dambeysay, balse waxa uu ka digey in hadane la xado Dastuurka hadda lagu shaqeeyo.
“Waxaan rabaa inaan iraahdo asxaabta hadda ka shaqeyneysa Dastuurka, Jeneraalka, Senator-ka Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid uu guddoomiyaha u yahay saaxiibow sidii kii hore loo xaaday yaaan kan loo xadin, dastuurkaan hala ilaaliyo, kii hore waa maqan yahay, kii ergada Soomaaliyeed ay anisixisay ma ahan midka aan hadda ku shaqeynno, haddii loo baahdana waa la heli karaa dadkii ka dambeeyey arrinkaasi, indhoole ma nihin caqli la’aanna malihin” ayuu yiri Muudey.




From the comments