Goobjoog

Wasiirrada u Tartamaya Guddoomiyaha Golaha Shacabka Oo La Faray Inay Is-casilaan, Akhriso Shuruudaha Kale

Guddiga Qaban-qaabada doorahada guddoomiyaha golaha shacabka ayaa goordhow soo saaray shuruudaha laga rabo qofka u tartamaya jagada guddoomiyaha golaha shacabka. Akhriso, Shuruudaha Oo Dhameystiran: Murashaxiinta araajidooda waxaa ay ku hagaajin…

Wasiirrada u Tartamaya Guddoomiyaha Golaha Shacabka Oo La Faray Inay Is-casilaan, Akhriso Shuruudaha Kale

Guddiga Qaban-qaabada doorahada guddoomiyaha golaha shacabka ayaa goordhow soo saaray shuruudaha laga rabo qofka u tartamaya jagada guddoomiyaha golaha shacabka.

Akhriso, Shuruudaha Oo Dhameystiran:

Murashaxiinta araajidooda waxaa ay ku hagaajin karaan guddi-hoosaadka diwaan-gelinta murshaxiinta oo fadhigooda yahay xarunta Villa Hargeisa.

Murashaxa u tartamaya guddoomiyaha golaha shacabka, kana tirsan golaha wasiirrada waa inuu guddiga qaban-qaabada u keenaa  caddeyn ku xusan is-casilaadda/is-casilaadeeda marka uu is-diiwaangelinayo.

Kharashaadka is-diiwaangelinta murashaxiinta waxaa lagu shubayaa xisaabta furan Account No 127 ee golaha shacabka ku leeyahay bangiga dhexe ee dowladda.

Jadwalka Doorashada:

Waqtiga Diiwaan-gelinta murashaxiinta Guddoomiyaha golaha shacabka 10.00 am-05.00 PM(Taariikh  23-24 April 2018 Isniin iyo Talaado).

Hadal-jeedinta  murashaxiinta guddoomiyaha golaha shacabka (Taariikh, 25-26 April 2018, Arbaco iyo Khamiis).

Diyaar-garowga  iyo is-xog wareysiga  guddiga qabanqaabada doorashada guddoomiyaha golaha shacabka(Taariikh, 27, 29, 2018, Jimce, Sabti iyo Axad)

Doorashada Guddoomiyaha golaha shacabka (Taariikh, 30 April 2018, Isniin.

Goobjoog News

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments