Maanta oo Khamiis ah ayaa lagu wadaa in lasoo gabagabeeyo khudbad jeedinta musharraxiinta u taagan xilka guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Waxaa la filayaa in maanta ay khubadahooda ku aadan qorshooyinkooda siyaasadeed ay soo jeediyaan illaa Shan musharrax oo ah kuwii ugu dambeeyey ee lahaa hadal jeedinta.
Arbacadii shalay waxaa khudbadahooda jeediyey Lix ka mid ah 11-ka musharrax ee u taagan xilka guddoomiyaha golaha shacabka.




From the comments