Khudbad Jeedintii Musharraxiinta Guddoomiyaha Golaha Shacabka Oo Lasoo Gunaanaday
Sheeko:Baarlamaanka
Maanta ayaa si rasmi ah waxaa loo soo gunaanaday khudbad jeedintii musharraxiinta u taagan qabashada xilka guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.
Maanta waxaa hadal lahaa 5 musharrax oo ahaa kuwii ugu dambeeyey, iyaga oo soo bandhigay qorshahooda siyaasadeed.
Musharraxiinta hadalka maanta jeediyey ayaa kala ahaa:
- Xildhibaan Shariif Sheekh Maye
- Xildhibaan Maxamed Mursal Sheekh
- Xildhibaan Shariif Maxamed Cabdalla
- Xildhibaan Maxamuud Macallin Yaxye
- Xildhibaan Iimaan C/laahi Cali
Waxaa sidaasi kusoo idlaatay hadal jeedintii 11-ka musharrax, waxaana la dilayaa in doorashada ay dhacdo 30-ka bishan sida ku xusan jadwalka doorashada.
Goobjoog News