Senator Xuseen Raage oo ka mid ah mudanayaasha aqalka saree e baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in aanu waxbo ka jirin wararka sheegaya in la xaday dastuurkii saxda ahaa ee dalka loo diyaariyey.
Waxa uu sheegay Senatorka in dastuurkii 25-kii bishan loo qeybiyey golaha shacabka uu ahaa midkii ay madaxda siyaasadda ku heshiiyeen, balse ay dib u habeyn iyo sixid ku sameeyeen ergada sanadkii 2012, midka saxda ahna yahay kan hadda lagu shaqeeyo.
Senator Xuseen ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed aanay isku wareerin wararkaasi, islamarkaana meeshaasi lagu xiro hadallada aan jirin ee la baahiyey.




From the comments