Xildhibaan Shariif Cabdalla oo ka mid ah mudanayaasha golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, kana mid ahaa musharraxiintii shalay u tartmay guddoomiyaha golaha shacabka ayaa sheegay in doorashadaasi ay si caddaalad ah ku dhacday.
Xildhibaanka oo wareysi siiyey Goobjoog News, ayaa sheegay in sababihii uu u tanaasulay ay ahayd kadib markii isaga codadkii uu helay ay aad u yaraayeen.
Waxa uu xildhibaanka ku ammaanay guddiga qabanqaabada doorashada golaha shacabka sida ay waajibkooda u guteen, doorashadana kusoo dhammaatay si caddaalad ah.




From the comments