Xildhibaan ka tirsan golaha shacabka ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, lagana soo doorto Puntland ayaa ku baaqay in la joojiyo dagaallada soo noqnoqday ee deegaanka Tukaraq.
Xildhibaan Sharmaarke Garaad Saleebaan Buraale oo wareysi siiyey Goobjoog News, ayaa tilmaamay in muhiim ay tahay helista nabad waarta oo ka hirgasha Tukaraq.
Waxa uu tilmaamay xildhibaanka in Puntland iyo Somaliland laga doonayo iney miiska wadahadalka ku xalliyaan khilaafka jira.




From the comments