Ciidamada Booliiska ee magaalada Garoowe ayaa howlgal ay ka sameeyeen xaafadaha magaaladaasi ayaa gacanta ku dhigay dhallinyaro la sheegay in xilliyada habeenkii ay magaaladaasi falal amni darri ka wadeen.
Dhallinyarada la qabtay oo ku dhow 20 ayaa waxay ku xiran yihiin saldhigga magaaladaasi, kuwaasi oo baaritaanno lagu wado.
Taliyaha saldhigga dhexe ee Garoowe, Maxamuud Muuse Bile Fardul ayaa wareysi uu siiyey Goobjoog News ku sheegay in dhallinyarada ay hayaan maxkamad lasoo taagi doono.




From the comments