Dagaal u dhaxeeyay ciidamada DFS iyo kuwa Al-shabaab ayaa xalay ka dhacay deegaanka Siinka Dheere ee duleedka magalaada Muqdisho, kaasi oo khasaare uu ka dhashay.
Goob joogayaal ayaa Goobjoog News u sheegay in dagaalkan uu billowday kadib weerar ay dagaalyahannada Al-shabaab ku qaadeen fariisin ay ciidanka DFS ku lahaayeen deegaankaasi.
Inta la xaqiijiyey Labo qof ayaa ku dhimatay dagaalkan, iyadoo dhaawac Labada dhinac ahna lasoo sheegayo.




From the comments