Wararka saakay oo Axad ah ka imaanaya gobolka Bari ayaa waxay sheegayaan in ciidamada dowlad goboleedka Puntland ay howlgallo ballaaran ka wadaan buuraha Galgala oo ay ku xooggan yihiin dagaalyahannada Al-shabaab.
Puntland ayaa ciidamo badan badan saakay illaa xalay ku daabushay halkaasi, waxaana ay tageen deegaanno dhowr ah oo halkaasi ku yaalla.
Saraakiisha hoggaamineysa howlgalladan ayaa si kooban u sheegay in ulajeedkooda ay tahay sidii looga hortagi lahaa weeraro ay soo qaadaan Al-shabaab.




From the comments