Koox burcad ah ayaa xalay waxay dalka K/Afrika ku dileen ganacsade Soomaaliyeed iyaga oo mid kalena dhaawac culus u geystay.
Burcaddan ayaa weerartay ganacsatadan oo ku sugnaa bannaanka kore dukaan ay ku leeyihiin deegaan ku dhow magaalada Cape Town ee dalkaasi.
Ganacsadaha la dilay ayaa magaciisa lagu sheegay C/laahi Maxamuud Maxamed halka midka la dhaawacayna lagu sheegay Maxamed Ismaaciil.




From the comments