Wararka nasoo gaaraya ayaa waxay sheegayaan in goor dhow uu wadada Makka Al-mukarrama gaar ahaan nawaaxiga Xaaji baasto uu ka dhacay qarax la sheegay inuu ku xirnaa gaari halkaasi marayey.
Waxaa la xaqiijiyey in qaraxan ay ku dhaawacmeen Labo qof oo gaariga saarneyd, kuwaasi oo loola cararay xarumaha caafimaadka ee magaalada Muqdisho.
Lama oga dadkan dhaawaca soo gaaray waxa ay ahaayeen, hase ahaatee xilli gaarigooda marayey ayuu wadada Makka Al-mukarrama ayuu qaraxan dhacay.




From the comments