Goobjoog

Wararkii Ugu Dambeeyey Magaalada Addis Ababa Iyo Howlgallo Socda

Ciidamada Itoobiya ayaa wada howlgallo aad u ballaaran, kadib qarax shalay ka dhacay fagaare uu khudbad ka jeedinayey Ra’iisul wasaaraha dalkaasi, Abiy Axmed. Sida ay baahiyeen warbaahinta Itoobiya, waxaa la…

Wararkii Ugu Dambeeyey Magaalada Addis Ababa Iyo Howlgallo Socda
Image ref 72513706. Copyright Rex Shutterstock No reproduction without permission. Please see www.rexfeatures.com for more information.

Ciidamada Itoobiya ayaa wada howlgallo aad u ballaaran, kadib qarax shalay ka dhacay fagaare uu khudbad ka jeedinayey Ra’iisul wasaaraha dalkaasi, Abiy Axmed.

Sida ay baahiyeen warbaahinta Itoobiya, waxaa la xiray illaa Sagaal Sargaal oo Booliis ah, kuwaasi oo lagu eedeeyey iney amniga goobta dayaceen, sidoo kalena aanay sameyn wax ka hortagis ah.

Ciidamada ayaa sidoo kale xabsiga dhigay 3 qof oo shacab ah, kuwaasi oo laga qabtay halka qaraxa uu ka dhacay, islamarkaana la tuhmayo.

Howlgallada ayaa ah weli kuwa socda, iyadoo sidoo kale ay jiraan rag kale oo la baadigoobayo, waxaana Addis Ababa jawi ahaan ay tahay mid ka duwan maalmihii hore.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments