Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biix Cabdi ayaa sheegay in xilligaan Somaliland diyaar u ahayn dagaallo ka dhaca Sool, islamarkaana dhankooda ay doonayaan nabad.
Ugu horreyn, Biixi ayaa ugu hambalyeeyay shacabka gobollada Waqooyi (Somaliland) munaasabadda 26-ka June oo ah 58-sano guuradii kasoo wareegtay markii ay gobolladaasi ka xoroobeen gumeystaha Ingiriiska.
“Waxaan halkaan hambalyo uga dirayaa umadda reer Somaliland meel walbo oo ay joogaan, 58-sano ayaa kasoo wareegtay maalintii aan xornimada ka qaadannay dowladda Ingiriiska, halgan dheer oo 80 sano ku dhow umadda Somaliland ugu jirtay xorriyadeedu iney hesho ayaan maalintaasi helnay, 26 June waa maalintii ay Somaliland xorowday iyadaana gaar u leh” ayuu yiri Biixi.




From the comments