Dagaal u dhaxeeya ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab ayaa lagu soo waramayaa inuu ka socodo degmada Qoryooley ee Sh/hoose.
Al-shabaab ayaa weerar lama filaan ah ku qaaday degmadaasi, waxaana ay iska caabin kala kulmayaan ciidanka xoogga dalka ee halkaasi ku sugan.
Lama oga illaa iyo hadda khasaaraha ka dhashay dagaalkan, hase ahaatee waxay Labada dhinac isku adeegsanayaan rasaas aad u culus.




From the comments