Nin hubeysan ayaa la sheegay in uu wadada Makka Al-mukarrama gaar ahaan nawaaxiga Isgoyska dabka ee magaalada Muqdisho uu ku dhaawacay wariye Farxiyo Mire oo ka howlgasha warbaahinta dowladda.
Goob joogayaal ayaa sheegay in Fraxiyo ay dhaawac ka tahay Lugta iyo dhanka caloosha, waxaana dhaawaceeda ka hor la tilmaamay iney murmeen ninkaasi.
Waxaa loola cararay xarun caafimaad, iyadoo dhanka kale la sheegay in ciidamada amniga ay gacanta ku dhigeen ninkii dhaawacay wariye Farxiyo.




From the comments