Qarax aad u xooggan ayaa goor dhow lala eegtay gaari ay la socotay guddoomiyaha Lafoole ee gobolka Shabellaha Hoose Ayaan Xaan, kaasi oo marayey deegaanka Siinka Dheer ee duleedka Muqdisho.
Miinadan ayaa ahayd mid dhulka ku aasan, waxay ku qaraxday gaariga ay la socotay guddoomiyaha, waxaana halkaasi ku dhaawacmay guddoomiye Ayaan iyo Saddex ka mid ah ilaaladeeda.
Sidey soo sheegayaan dad ku sugan halka qaraxa uu ka dhacay, guddoomiye Ayaan iyo askartii dhaawacantay ayaa loola cararay xarumo caafimaad.




From the comments