Senator Axmed Xaashi oo ka mid ah mudanayaasha aqalka sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in ururka ONLF aan loo aqoonsan karin urur argagaxiso ah.
Waxa uu sheegay Senator-ka in wax laga xumaado ay tahay in wasiirada xukuumadda federaalka ay argagaxiso u aqoonsadaan ONLF, iyadoo caalamka aanu taa qabin.
“Waxaa fajacisho nagu noqotay go’aanka kasoo baxay golaha wasiirada, waxaan ka hadleynay waxay ahayd muwaadin Soomaali ah oo la dhiibay, ku dhashay Soomaaliya, ku barbaaray Soomaaliya, wey ka dartay arrintu sidii, waxay aadday in urur la yiraahdo ONLF inuu argagaxiso yahay, caalamka uma aqoonsana…micnaha marka argagaxiso laga hadlayo qeex bay leedahay oo caalamka u yaqaanaa, ninka xaq u dirirka ah iyo argagaxisadu Labo micno ayeey kala leeyihiin, ONLF looma aqoonsan karayo Aragagaxiso, waxaa loo aqoonsan karayaa dad xaq u dirir ah” ayuu yiri Senator Axmed Xaashi.




From the comments