Askar ka tirsan ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa darawal Mooto Bajaaj waday waxay ku dileen halka loo yaqaan Seybiyaano, degmada Hodon ee magaalada Muqdisho.
Goob joogayaal ayaa sheegay in ciidamadan oo halkaasi ku sugnaa ay isku dayeen iney istaajiyaan mootada si aanay u dhaafin, hase ahaatee darawalkii uu maqli laawayay, kadibna rasaas ay rideen ay haleeshay.
Bajaalayaal kale oo goobta tagay ayaa si kooban u dhigay banaanbax ay ku muujinayaan sida ay falkaan uga xun yihiin.




From the comments