Dagaal xooggan oo u dhaxeeyey ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa Jubbaland iyo Al-shabaab oo dhinac ah ayaa ka dhacay deegaanka Muuse Xaaji oo ku dhow deegaanka Araare eee gobolka Jubada Hoose.
Dagaalkan ayaa bilowday gabaldhacii shalay, wuxuuna soo gaaray illaa xalay fiidkii, iyadoo la sheegay in halkaasi khasaare kala duwan uu ka dhashay.
Ciidamo ka tirsan dowladda federaalka iyo Jubbaland oo ka baxay deegaanka Baar Sanguuni islamarkaana sahan ahaa ayaa la xaqiijiyey iney jidka u galeen dagaalyahanno badan oo Al-shabaab ah.




From the comments