U bood dhigaalka

Gobolka Banaadir Oo Wax ka Qabanaya Dhibaatada Bajaajleyda

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cismaan En Yariisow ayaa sheegay in maamulka gobolka uu wado qorshooyin lagu dayac tirayo waddooyinka burbursan islamarkaasna leyrark lagu xirayo.

Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in hadda ay wadaan qorshe lagu gelinayo waddooyinka Muhiimka ilaa 300 oo Nal kuwaasi oo wax looga qabanayo bilicda Caasimadda.

“Waxaan wadnaa qorshe ilaa 300 oo Nal lagu gelinayo waddooyinka Muhiimka ah waxaan wadnaa wacyigelin dadka iyo shirkadaha loogu sheegayo in waddo walba la saaro Nalal “.

En. Yariisow ayaa dhanka kale sheegay in ay wadaan qorshooyin lagu hagaajinayo amniga caasimadda iyo sidii wax looga qaban lahaa falalka dilka oo ciidamada ay kula kacaan dhallinyarada Bajaajta.

“Qof Soomaali ah oo naga dhaawacma ama naga dhinta dhib weyn ayey nagu heysaa arrimaha bajaajta waan la hadalnay waa la fariisannay ujeedada waxay tahay inaan hagaajinno nidaamka bajaajta si shaqo abuur ay dhallinyarada ugu noqoto, waxaa kale oo xusid mudan in nidaamkii ay isla fahmaan bajaajleyda iyo hay’adaha amniga sida ugu haboon oo amniga lagu sugi karo bajaajleydana ay ku wataan ganacsigooda waa muhiim”.

Ciidamada dowladda ayaa maalmihii ugu dambeeyay waxay dilal u geysanayeen dhallinyarada ku shaqeysta bajaajta waxayna arrintaasi cabsi ku abuurtay wadayaasha bajaajta.

Goobjoog News