Iyada oo waddanka Turkiga uu u guuray dhaqan gelinta xukunka Madaxweynaha, hadana ra’iisulwasaaraha hadda talada haya Binali Yıldırım waxaa uu noqonayaa ra’iisulwasaarihii ugu dambeeyay oo soo mara dalkaasi.
Turkiga waxaa soo maray 65 ra’iisulwasaare waxaa uuna hadda doonayaa madaxweyne Erdoğan in uu meesha ka saaro awoodda ra’iisulwasaaraha.
Binali Yıldırım ayaa noqonaya ra’iisulwasaarihii ugu dambeeyay oo soo mara dalka Turkiga, waxaana meesha laga saarayaa awoodda ra’iisulwasaaraha arrintaan ayaa ku soo beegmeysa iyada oo 24 bishii June Turkiga ay ka dhaceen doorashooyinka Baarlamaaniga ah iyo kuwa madaxtinimo.




From the comments