Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxay weerar ay Al-shabaab ku qaadeen xarun ay wada deganaaayeen wasaaradaha arrimaha gudaha iyo amniga ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, waxaana hallkaasi ka dhashay khasaare kala duwan.
Wararka ay heshay Goobjoog News, ayaa waxay sheegayaan in weerarkan uu markii hore ku bilowday Labo qarax oo Ismiidaamin ah, mid ka mid ah qaraxyadan ayaa ka dhacay Isgoyska Sayidka ee magaalada Muqdisho.
Qaraxayada kadib ayaa rag hubeysan oo Saddex ah waxay gudaha u galeen xaruntan ay Labadan wasaaradood deganaayeen, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal u dhaxeeyey ciidanka amniga iyo raggan.




From the comments