Rag ku hubeysan Bistoolado ayaa lagu soo waramayaa in degmada Yaaqshiid, gaar ahaan xaafadda Suuq Bacaad ay ku dileen Labo askari oo ka tirsan ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya.
Wararka ayaa waxay sheegayaan in dilka ka dib ay goobta isaga baxsadeen raggii falkaasi ka dambeeyey.
Goob jooge ayaa inoo sheegay in hadda halkaasi ay gaareen ciidamada ammaanka kuwaasi oo howlgallo wada.




From the comments