Guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya iyo madaxweynaha maamulka K/galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa lagu wadaa in maanta oo Talaado ah tagaan degmada Xudur ee gobolka Bakool.
Sida qorshaha uu yahay, guddoomiye Mursal oo deegaan doorashadiisu tahay degmadaasi ayaa la kulmi doona qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan degmadaasi.
Sidoo kale, waxay kormeer ku tagi doonaan madaxdan xerooyin barakacayaal ah oo ay ku jiraan qoysas badan oo kasoo barakacay deegaanno ka mid ah gobolkaasi.




From the comments