Faah faahin ayaa laga helayaa dil xalay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari loogu geystay mid ka mid ah nabadoonada ugu caansan gobolkaasi.
Nabadoonka la diley ayaa lagu magacaabayey Maxamed Saciid Cawaare, waxaana la sheegay in rag hubeysan ay gurigiisa ugu dhaceen, sidaasina lagu diley.
Booliiska Boosaaso ayaa saakay waxay howlgal ballaaran ka sameeyeen xaafadaha magaaladaasi, iyaga oo raadinaya dableydii dilka ka dambeysay.




From the comments