Qaramada Midoobey waxaa ay sheegtay in sanduuqa ka hortagga burcad-badeedka oo jiray tan iyo 2011 uu xoojiyay wax ka qabashada amniga badda ee Soomaaliya iyo galbeedka badweynta Hindiya.
Jaime Serpanchy, oo ah xogheyaha guud ee QM u qaabilsan barnaamijka la dagaalanka burcad badeedda ee loo yaqaano UN Counter Piracy Trust Fund (CPTF), ayaa jimcihii sheegtay in taageerada la siiyay dalalka geeska Afrika ay wax badan ka qabatay in horumar laga gaaro dambiyadii la xiriiray burcad badeedka iyo afduubka maraakiibta.
“Muhiimadda 1aad ee sanduuqa waa inuu dalalka geeska Afrika ka taageero sidii looga hortagi lahaa burcad badeedda, arrintaas oo lagu guuleystay: sidaa waxaa tiri Serpanchy.




From the comments