Dowladda Turkiga ayaa cambaareysay weerar iyo Laba qarax oo shalay Al-shabaab ka fuliyeen meel ku dhow madaxtooyada Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho.
War qoraal ah oo laga soo saaray wasaaradda arrimaha dibadda ee Turkiga ayaa lagu sheegay in weerarkaasi ka xun yihiin, islamarkaana dowladda Turkiga iyo shacabkeeda dhibta la qeybsanayaan dadka Soomaaliyeed.
Sidoo kale, wasaaradda arrimaha dibadda Turkiga ayaa sheegtay in weeraradan looga gol leeyahay in lagu waxyeeleeyo dedaalka beesha caalamka iyo DFS ugu jiraan xasiloonida Soomaaliya.




From the comments