Wararka ka imaanaya degmada Dharkeenley ee magaalada Muqdisho ayaa waxay sheegayaan in nin madaxa looga jiray uu walaalkiis ku diley waaxda Kaawo godey ee degmadaasi.
Goob jooge ayaa sheegay in ninka madaxa looga jiray uu ku xirnaan jiray banaanka guriga, hase ahaatee uu soo fakaday, una soo galay walaalkiis oo qolka jiifa, kadibna Mindi meesha taallay uu ku gowracay.
“Ninkan madaxa ayaa looga jiray, Afar Saac maanta ayuu ka baxsaday halkii uu ku xirnaa, wuxuuna galay qol uu ku jiray walaalkiis, Mindi weyn oo meesha taallay ayuu caloosha ka geliyey, kadibna qoorta uga jaray”




From the comments