Wasiirka wasaaradda warfaafinta ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, Daahir Maxamuud Geelle ayaa ka hadlay qaraxyo iyo weerar ay Al-shabaab shalay ka fuliyeen magaalada Muqdisho.
Wasiirka ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ay ku amaanan yihiin sida ay uga hortageen weerarkaasi oo ka dhacay inta u dhaxeysa Ceelgaabta iyo SYL ee magaalada Muqdisho.
“Ciidamada Amiga Qaranka, waxay ku ammaanan yihiin sidii ay uga hortageen weerarka, oo ka koobnaa mid toos ah iyo laba qarax, ciidamadu waxay ku guuleysteen in ay hor istaagaan arxan-laawayaasha dhiigga shacabka caadeystay ee Al-Shabaab in ay gaaraan goobta ay qaraxa la damacsanaayeen. Kadib markii rasaas ay huwiyeen, ayaa mid ka mid ah 2 gaari oo qarax laga soo buuxiyay wuxuu ku qarxay meel u dhow taaladda SYL, waxaa sidoo kale ay ciidamadu Isla goobta ku dileen dhowr ka mid ah maleeshiyada al-Shabaab ee la marin-habaabiyay” Ayuu yiri Wasiirka.




From the comments