Maamulka K/galbeed ayaa sheegay in deegaannada maamulkaasi ay ka bilaabeen howlgallo ka dhan ah Al-shabaab, islamarkaana la doonayo in amniga lagu soo celiyo.
Nuuradiin Gacma oo a Afayeenka maamulkan ayaa u sheegay Goobjoog News, in ciidamada K/galbeed ay ku guuleysteen iney dilaan xubno ka mid ah Al-shabaab, sidoo kalena ay soo daayeen shacab u xirnaa Al-shabaab, waa sida uu hadalka u dhigaye.
Waxa uu tilmaamay Afhayeen Gacma in ciidanka xoogga dalka iyo kuwa gaarka ee K/galbeed ay xoojiyeen howlgallada ay ku raadsanayaan Al-shabaab.




From the comments