Dagaal u dhaxeeyey ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab ayaa xalay ka dhacay degmada Qoryooley ee gobolka Shabellaha Hoose.
Ciidamada Al-shabaab ayaa la sheegay iney weerar kusoo qaadeen degmadaasi, waxaana ay iska caabin kala kulmeen ciidanka xoogga dalka ee halkaasi ku sugan.
Labo qof oo la sheegay in mid uu ka mid ahaa dagaalyahannadii weerarka soo qaaday ayaa halkaasi ku dhintey, waxaana dhaawacmay qof kale.




From the comments