Ciidamada xasilinta magaalada Baladweyne ayaa waxay howlgal ka sameeyeen magaaladaasi, iyaga oo dad usoo qabtay dil xalay ka dhacay magaaladaasi.
Carab Yuusuf Nuur oo ka mid ah saraakiisha ciidamada xasilinta B/weyne ayaa sheegay in ay soo qabteen in ka badan 5 dhallinyaro ah kuwaasi oo lagu tuhunsan yahay dil B/weyne loogu geystay Cabdi Cali Gareen oo ka mid ahaa ergadii wax kasoo doortay xildhibaannada golaha shacabka.
Waxa uu tilmaamay Carab in dadka ay qabteen ay ku socoto baaritaan, islamarkaana baaritaan kadib la kala ogaan doono dambiilaha dhabta ah.




From the comments