Koox burcad Koonfur Afrikaan ah ayaa galbeedka magaalada Cape Town waxay ku dileen Labo wiil dhallinyaro Soomaali ah, kuwaasi oo halkaa ku lahaa xarun ganacsi.
Wiilashan oo xalay fiidkii la diley ayaa lagu kala magacaabaa, Ismaaciil Cabdo Macow iyo Cali Maxamuud Cadow, waxaana la sheegay in markii la diley kadib lacago laga qaatay dukaankooda oo ku yaalla meel ay ku badan yihiin dadka Madowga ah ee dalkaasi.
Dhanka kale, sidey inoo sheegeen dad Soomaaliyeed oo ku sugan Koonfur Africa, waxaa magaalada Cape Town lagu dhaawacay Saddex wiil dhallinyaro Soomaaliyeed ah, waxaana soo weeraray rag burcad ah, iyaga oo laga qaatay lacag u taallay dukaan ay ku sugnaayeen.




From the comments