Ciidamada ammaanka magaalada Garoowe ayaa Koontaroolka magaaladaasi waxay ku qabteen wiil la sheegay inuu yahay dhallinyaro, kaasi oo xirnaa xijaab iyo indho sharer.
Wiilkan ayaa kusoo socday dhanka magaalada Garoowe, hase ahaatee askartii baareysay gaadiidka soo gala magaaladaasi ayaa wiilkan qabtay.
Saraakiisha ammaanka Garoowe ayaa sheegaya in hadda wiilkan lagu baarayo saldhigga magaalada Garoowe oo loo dhaadhiciyey.




From the comments