Wararka naga soo gaaraya xaafadda Galmudug ee magaalada Muqdisho ayaa waxay sheegayaan in goor dhow uu halkaasi ka dhacay qarax gaari, kaasi oo khasaare geystay.
Gaari Kaarib ah oo ay la socdeen illaa Saddex qof ayaa la xaqiijiyey in uu halkaasi ku qarxay, iyadoo aan la ogeyn dadka gaarigan la socdeen waxa ay ahaayeen.
Goob joogayaal ayaa sheegay in gaariga oo halkaasi marayey uu qarxay, waxaana waxyeello ay soo gaartay dhammaan dadkii gaarigaasi saarnaa.




From the comments