Dagaalyahanno ka tirsan Xarakada Al-shabaab ayaa xalay waxay weerar ku qaadeen fariisin ay ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya ku leeyihiin Buundada yar ee degmada Afgooye, waxaana ka dhashay weerarkaasi khasaare kala duwan.
Wararka ayaa waxay sheegayaan in dagaalkaasi uu socoday in ka badan 20 daqiiqo, iyadoo markii horena uu ku bilowday sida la sheegay Bam gacmeedyo lagu tuuray ciidamada.
Waxaa jira khasaare kala duwan oo goobta ka dhashay, inkastoo si rasmi ah aan loo ogeyn khasaaraha rasmiga ah ee Labada dhinac soo kala gaaray.




From the comments